Skip to main content

QISO MURUGO BADAN: QEYB 1 AAD

 QISO MURUGO BADAN: QEYB 1 AAD




 Waxaan raadinayey oo aan baafinayey mudo 14 sano ah baafintii saaxiibkey oo aan kala lunay 2009, baafinteydi waxay noqotay mid aanan weligeed lagu guulaysan doonin😒


Saxiibkeey Shiishka Shoolaay waxaan isku baranay garoon kubada cagta oo kuyaalay Nairobi Islii, xaafada Section one 2007.

Galab aan ciyaar Final ah wada dheelnay oo aan 3:4 uga badinay koobkiina uga qaadnay.


Ciyaarta daqiiqadihi ugu danbeyey ayaa aniga iyo isaga wax nakala gaareen Isagu markaas wuxuu dheelayey difaac midig Duwe anigana dhexda 10 ayaa ciyaarayey.Wuxuu ahaa nin xoogan oo timo dhaadheer tintuna gadaal ugu xirantahay laastiik markii danbena wuu sii daayey sidii Paolo Maldini ayeey timihiisu garbihiisa shimaax -shimaaxinayeen, xusuusteyda, wuxuu ahaa nin aan fowdo badnayn oo beezaani ah.

Balse galabtaas labadeenaba xamaasad baa naga tan badisay oo weliba anigaa gacan qaadka ku horeeyey.


Galabtii ciyaarta markii ay dhamaatay ayuu socodka soo boobsiiyey anigoo sii socda ayuu iga daba yimid, garabka ayuu iga taabtay,anigoo Feer iiduubanyahay ban soo jeestay,wuxuu igu yiri sxb aniga isha iyo daanka ayaa wax yar iga gaareen adiga ameey wax ku gaareen? salaana wuu isoo taagay.

Run ahaanti waxan garowsaday inuu yahay nin zaciim ah oo rag iyo Rabiba yaqaan.


Waxan ku iri saxiib dhib malaha kubad waligeed baa lagu dagaali jiray sorry hadey wax ku gaareen.Kadib waxaan noqonay Saxiibo ceeshow milix ah,waxa uu isoo jeediyey inaan kooxdiisa kusoo biiro isagaa ayaa Kaptan u ahaa kooxda balse markii aan imid kooxda Kaptanimadi aniga ayuu igu sharfay, wuxuuna ii muujiyey soo dhowayn walalnimo.


Waan xusuusta wuxuu igu yiri Saaxiib adiga Ciyaal Wardhiigley Cali-Kamiin Iyo Xamarbile Ayaa ahayd anigana waxaan ahaa Ciyaal Suuqa Xoolaha, gaar ahaan xerada Militariga.

Marka waan ubaahanahay koox isku dheeli tiran ee kaptan howsha igala wareeg.

Kooxda Inteeda kalena wuxu ku yiri Shoolaay oo nin iska qaboow ah ayaa barateen waxa kooxda Kaptan unoqday Diyeshe quuq dharbaaxsho

Comments

Popular posts from this blog

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

A boy from the country of Egypt had an appointment with his girlfriend/ wiil ree masar ahay labalay saxiibadii

 A boy from the country of Egypt had an appointment with his girlfriend and then she told him that she is sick and can't leave the house. He was so angry that he started punching and kicking men." Is this man is wrong or  not Wiil u dhashay dalka masar ayaa saaxiibtiisa la balamay kadibna waxay ku tiri xbbi wan xanuunsanahay guriga kama bixi karo wakhti kale inooga dhig, isla markii ba intuu magaalada soo aaday buu arkay iyada oo Nin kale la socta oo gaariga usaaran tahay’ Wuu xanaaqay sidaas aad u jeedaan ayuu sameeyay feedh iyo laad buu kala daalay”   Fikirkaaga maxay kulatahay ninkan ma saxsan yahay mise khaldan yhy

Qaypta 1aad NABAR aan dawoobin QISO JACAYL/A Wound That Doesn't Heal A LOVE STORY part 1

  Qiso jaceyl 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖺𝗁𝖾𝗒𝖽 π—€π—ˆπ—ˆπ—‹ π—†π–Ίπ—Šπ—‹π—‚π–» 𝖺𝗁 π—ˆπ—ˆ 𝖺𝗒 π—‚π—Œπ—„π—Ž π–½π—‚π—’π–Ίπ–Ίπ—‹π—‚π—‡π–Ίπ—’π—Œπ–Ίπ—’ 𝗂𝗇 𝖺𝗒 π–Ίπ–Ίπ–½π–½π—ˆ π—€π—ˆπ—…π–Ίπ—π–Ί 𝗂𝗇𝗍𝖾𝗋𝗇𝖾𝗍𝗄𝖺 π—ˆπ—ˆ 𝖺𝗒 π–»π–Ύπ—‹π—’π–Ίπ—π–Ίπ–Ίπ—Œ π—Œπ—‚ 𝗐𝖾𝗒𝗇 π—Žπ—€π—Ž 𝗐𝖺𝖺𝗅𝗇𝖺𝗒𝖽. 𝖢𝖺𝗑𝖺𝗒 𝗄𝗁𝖺𝖽𝗄𝖺 π˜”π˜šπ˜•-𝗄𝖺 π–ͺπ—Žπ—…π–Ί π–»π–Ίπ—…π—…π–Ίπ—‡π—Œπ–Ίπ—‡π–Ίπ—’π–½ 𝗐𝗂𝗂𝗅 𝖺𝗒 π—Œπ—π–Ύπ–Ύπ—„π—ˆ 𝗐𝖺𝖽𝖺𝖺𝗀 𝖺𝗁𝖺𝖺𝗒𝖾𝖾𝗇 π—ˆπ—ˆ 𝖽𝖾𝗀𝗀𝖺𝗇𝖺𝖺 𝗆𝖺𝗀𝖺𝖺𝗅𝖺𝖽𝖺 π—†π—‚π—‡π—‡π–Ύπ–Ίπ—‰π—ˆπ—…π—‚π—Œ 𝖾𝖾 𝖼𝖺𝗋𝗋𝗂𝗀𝖺 𝗆𝖺𝗋𝖾𝗒𝗄𝖺𝗇𝗄𝖺. 𝖬𝖺𝗋𝗄𝗂𝗂 𝖺𝗒 𝗍𝗂𝗆𝗂𝖽 π—€π—ˆπ—…π—‚π—π—‚π—‚ 𝗂𝗇𝗍𝖾𝗋𝗇𝖾𝗍𝗄𝖺 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 π–½π—Žπ—‹π–»π–Ί π—€π–Ίπ—Œπ—π–Ίπ—’, 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 π–½π—Žπ—‹π–»π–Ί π—€π–Ίπ—Œπ—π–Ίπ—’ 𝗄𝗁𝖺𝖽𝗄𝗂𝗂 π˜”π˜šπ˜•-𝗄𝖺 π—ˆπ—ˆ π—Žπ—Ž π—„π—Ž π—Œπ—‚π—‚ π—Œπ—Žπ—€π–Ίπ—’π–Ύπ—’ π—Œπ–Ίπ–Ίπ—‘π—‚π—‚π–»π—„π–Ύπ–Ύπ–½. 𝖬𝖺𝗋𝗄𝖺𝗒 𝖼𝖺𝖻𝖻𝖺𝖺𝗋 𝖿𝖺𝖽𝗁𝗂𝖽𝖺𝗒 𝖺𝗒𝖺𝗒 π—Œπ—‚ π—„π–Ύπ–½π—‚π—Œ 𝖺𝗁 π—Ž 𝖾𝖾𝗀𝗍𝖺𝗒 π—Œπ–Ίπ–Ίπ–Όπ–Ίπ–½π–½π—‚π—‚ π—Žπ—€π—Ž 𝗑𝗂𝗋𝗇𝖾𝗒𝖽 𝗀𝖺𝖼𝖺𝗇𝗍𝖺 𝗆𝗂𝖽𝗂𝗀, π—†π—‚π—Œπ–Ύ 𝗐𝖺𝖺𝖻𝖺 10:00 π–Ώπ—‚π—‚π–½π—‡π—‚π—†π—ˆ.  𝖢𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖿𝖺𝖽𝗁𝗂𝖿𝖺𝗒 π—†π—Žπ–½π–½π—ˆ π—Œπ–Ίπ–½π–½π–Ύπ—‘ π—Œπ–Ίπ–Ίπ–Ό 𝖺𝗁, π—π–Ίπ—‘π–Ίπ—’π—Œπ–Ύ 𝗂𝗒𝖺𝖽𝖺