Skip to main content

𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 ” / the story of my little love

 


#Q1: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘”


#Hodhac Gaaban

Sheekada sida aad magaceeduba ka garaneysiin, waxa ay ka hadleysaa Jacayl yaraan kusoo bilowday ee usii gudbay Weynaan, waana Jaceyl raagay oo qaatay sannado, Haddaba Qisadaani waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalo ka mid ah magaalooyiinka ay degto Soomaalida, sheekadaani magacyada aad ka dhex arki doontiin waa ay badan yihiin, Balse labada qof ee ay quseyso sheekadu waa Sihaam iyo Yaasir, Qeybaha Sheekaduna waa mid badan, inshaa alllaah waxaan rajeynayaa in ay nagu dhammaato si nabad iyo farxad leh……..

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Waqtigu waa Subax, maalintuna waa Isniin, Jawiguna waa Jawi roobaad, Magaalada oo idil waxaa ka da’aya roob lagu diirsaday. Sihaam oo la ciyaareysa walaalaheeda oo roob ku qubeysanayaan kuna ciyaarayaan, ayaa u imaadeen Yaasir iyo asxaab kale oo xaafada wada deggan, roobkii ayey ku dhex ciyaarayaan oo marba dhinac ayey isku bur-bursabnayeen…


Sihaam waa shan Jir, Halka Yaasirna uu jiro Lix sanno,, Sihaam iyo Yaasir waa ay is-yaqaanaan oo isku xaafad waaye, ilmaha kolka ay yaryihiina waa ay isla ciyaaraan…


Yaasir, Sihaam iyo ilmihii kaleba waxa ay roobka ku ciyaaraanba, roobkii ayaa istaagay, dabadeed Yaasir oo rabay in uu aado gurigooda, waxa uu arkay Sihaam oo lugta la gashay God, kolka uu roob da’aayana meelaha qaar waa ay kula go’ayaan ama kula dumayaan,, Yaasir kolka uu arkay ayuu u tagay, dabadeed wuu ka badbadiyey oo uu kasoo bixiyey godkii ay lugta kula jirtay Sihaam, dabadeed ayey Sihaam ku tidhi: “Waad mahadsan tahay Yaasir”…


Yaasir: “adigaa mUdanee, yaa ku baray ixtiraamkaasi?”.


Sihaam: “waxaa I bartay Hooyadeyda macaan, waxa ay I dhahday kolka uu qof wax kuu sameeyo ama uu kuu qabto, waa in aad u mahad celisaa, iskuul goormee lagu geynayaa?”.


Yaasir: “beri ayaa la I geynayaa, adiguna goormee lagu geynayaa iskuulka?”.


Sihaam: “Aniga waxaa la igu dhahay, dugsiga qur’aanka meel fiican ka gaar, kadib ayaa lagu geynayaa”.


Yaasir: “Hooya ayaa I dhahday dugsiga aan hadda dhigto waa lagaa bixinayaa, waxaana lagu geynayaa dugsiga Macallin Maxamed ee ah midkiina”.


Sihaam: “Waan kusoo dhaweynayaa, qur’aanka anigaa kaa koreeyo bal kawaran hee”.


Yaasir: “Haa waan ogahay, macallinka wax inoo dhigo, ma’ahan mid wanaagsan, mararka qaar wuu maqan yahay, mararka qaarna fasax lee waaye, waa sababta ay hooyo nagaga bixineyso dugsigaasi”.


Sihaam: “Haye yaasiroow waan kaa sii tagayaa oo dhaxan ayaa I heysa, dharka ayaan iska beddelayaa”.


Yaasir: “aniguba waan iska soo beddelayaa, kadib aan isku soo laabano waan isla ciyaareynaa”.


Sihaam iyo Yaasir waa ay kala tegeen..


Saacado kadib 


Yaasir oo rabay uu baxo, waxaa albaabka ka celisay hooyadiisa, kadibna ku dhahday: “Yaasiroow waxaad maqneyd saacado badan, roobkii da’aayey ayaad ku qubeysaneysay, waana ku arkaayey, markii aad iska beddeshay dharka ayaad rabtaa in aad baxdid, ogow dhulka oo idil in uu yahay dhiiqo ama uu qoyan yahay, wiilkeygoow iska naso orodoo la daawo telefishinka walaalahaaga”.


Yaasir: “Hooyo waxaan aadayaa Guriga reer Ducaalle”.


Hooyada: “Haye waa yahay, soona dhaqso”.


Yaasir haye ayuu ku dhahay hooyadiisa, dabadeed wuxuu soo aaday guriga reer ducaalle oo ah guriga Sihaam ku nooshahay, Ducaalle waa iyada Aabbbaheeda, ugu dambeyntii gurigii wuu tegey Yaasir, dabadeed isaga, Sihaam iyo walaalheeduba ciyaaris ayey galeen, iyaga oo ku ciyaarayaan agabyo u yaalo oo lagu talo-galay in ay ku ciyaaraan ilmaha……. Waxa uu joogaaba wuu ka tegey guriga oo uu aaday isaga gurigooda Yaasir…


>> Toddobo maalimood kadib


Yaasir waa laga bixiyey dugsigii/Madarasadii uu dhigan jiray, waxaana loo wareejiyey dugsiga ay dhigato Sihaam ee Macallin Maxamed…


Yaasir kolkii uu macallin Maxamed imtixaamay, ayuu ku dhahay: “Yaasir waad fiican tahay, xilligaani waxaa lagaa rabay inaa kala badhka dhaaftid, waayo fahmidaada iyo wax akhrintaadu waa ay wanaagsan tahay, maalin walba waxaad ka baxeysaa Hal Bog, maadaama galabtii iskuul dhigato, subaxdii xilliga


hore cashirka ka baxeysaa, fardambaha ama xilliga bareegga waxaad galeysaa Subac, sidoo kale suuradaha kale aad kasoo gudubtayna dib ayaad uga baxeysaa si aad u xifdisid”..


Yaasir iyo Hooyadiisa oo maqlayeen hadalkaasi, ayaa yaasi ku dhahay: “Haye Macallin waa Diyaar”…


𝐋𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐠𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐛𝐞𝐞𝐧 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐞 

𝐈𝐧𝐬𝐡𝐚𝐚𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡


W/Q: ASAD SIMBA LOVED


#Q2: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘”


𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐇𝐨𝐫𝐞 waxa ay inoo joogtay: “Yaasir oo la geeyey dugsiga qur’aan ay dhigato Sihaam, ahna macallin Maxamed, imtixaan iyo wada sheekeysi kadib, Yaasir Hooyadiiosa iyo Macallin Maxamed waa ay isku afgarteen qidmada waxbarashada”.


>> Maalintii xigtay


Yaasir iyo Siham oo wada ciyaarayaan, ayaa Sihaam ku tidhi Yaasir: “Yaasiroow, waxaad tahay wiil qurux badan”.


Yaasir: “Sihaamey quruxda aad sheekeysid maxaa waaye, dumarka ayaaba qurux lagu ammaanaa ee ragga qurux laguma ammmaanee”.


Sihaam: “Yaa waxaasi kuu sheegay”.


Yaasir: “Waxaan maqlaa Abtigeyga oo dhahaaya, Deeqo quruxeey, dheemantii hablahaay, qalanjadii qalbigeygaay, marka wa sidaasi sababta aan kuugu dhahay”…


  >> Cajiib ilmo intaasi la’eg ee sidasi wax u xifdiyey adduunkaan waa ay ku nool yihiin<


Sihaam: “Waaw!, Yaasir qurux waad xifdisay hadaladii abtigaaga”.


Yaasir: “Ha I dhihin markale, Qurux, keliya I dheh Yaasir, ama Aboowe amaba Walaal”.


Sihaam: “Saaxiib waadba xanaaqdayee, aan ku weydiiye iskuulka kawaran?”.


Yaasir: “Haa waa fiican yahay, gabdho qurux badana waa ay joogaan oo aan la ciyaaro”.


Sihaam kolka ay hadalkaasi maqashay ayey tidhi: “Aniga ma I nacday”.


Yaasir: “ee adiga waaba isla ciaarnaa kolka aan xaafadda joogo, marka aan iskuulka jirana, gabdhaha kale la ciyaaraa”.


Sihaam: “Aniga waan ku nacay, haddiiba aad aday gabdhahaasi”.


Yaasir: “Maxaa u xanaaqday sihaam Quruxeey”.


Sihaam kolka ay intaasi maqashay waa ayba dhoola cadeysay oo tidhi: “Hee Quruxoow”.


Yaasir: “Iga dhaaf ma ku dhihinoo erayga quruxoow, I dheh macaanoow”.


Sihaam: “Haddii aad diiday eraygaasi, midka aad sheegeysid maxaa waaye oo adiga ma waxaad tahay Sokor ama mac-macaanka la cuno”.


Yaasir inta uu qoslay ayuu yidhi: “Waar waxaan ku dhahayaba waxaan ka maqlaa abtigeyga, aboowe macaane I dheh ayuu ku dhahaa gabdhaha uu la hadlo”.


Sihaam: “Abtigaaga waa ciyaalee, muxuu waxaasi u isticmaalayaa, macaan iyo inuu dhaho quruxeey waaba iska caadiyee, adiga maxaad u diideysaa walaalow, aan ku weydiiyee aniga ma I jeceshahay”.


Yaasir: “Haa wan ku jeclahay”.


Sihaam: “Haddii aad I jeceshahay waa in aad I guursataa”.


Yaasir: “Yaah!, waanba yarnahayee maxaa waaye guurka aad sheekeysid”.


Sihaam: “Waxaan rabaa canug inaa dhalo oo dhabteeda ku qabto”.


Yaasir: “Sihaamey marka aan weynaano dhali doonaa”.


Yaasir iyo Sihaam oo isla hadlayaan oona fadhiyaan geed hoostiisa oo ay ku ciyaarayaan ayaa arkay Yaasir abtigiisa, inta uu u imaaday ku dhahay maxaa waaye meesha aad ku ciyaareysid wariyaa Yaasir, orod guriga tag, kadib Yaasir waa uu ka tegey Sihaam oo ku dhahay mar kale ciyaari doonaa..


>> labo Bilood kadib ahna maalin ciid


Yaasir iyo Sihaam waa ay is-arkeen iyaga oo isku ceyrsadeen/isku bursadeen Baskooladda carruurta faayga, iyo mida biyaha, sida ay isku ceyrsanaayeen ayey u galeen qolka ay seexdaan Yaasir iyo walaalihiisa, kadib ayaa yaasir iyo Sihaam isku dhegeen, maadaama ay is-ceyrsanayeen, ayaa yaasir dhulka ku dhacay, kadibna ay kusoo kor dhacday Sihaam, ayaa yaasir ku dhahay: “Waaad I dishayee iga kac Sihaamey, waad culus tahayee”.


Sihaam: “Aniga miyaa culus waxaanba ahay fudeed, adigaa iga culus oo cayilanee”, kadib waa ay ka kacday..


Yaasir: “Innaba caadi ma tihid maantay waad I daalisay oo I wareerisay, micnaha sidaad ii ceyrsaneysay ayaanba daal u dhacay”.


Sihaam: “Haa wan ogaay taasi oo waxaad tahay qof shuluq ah/ cayilan, orodka badana waa uu kaa dhigayaa shuluqaasi”…


𝐋𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐠𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐛𝐞𝐞𝐧 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐞 

𝐈𝐧𝐬𝐡𝐚𝐚𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡


W/Q: ASAD SIMBA LOVED


#Q3: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘”


𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐇𝐨𝐫𝐞 waxa ay inoo joogtay: “Yaasir iyo Sihaam oo haddalo is-dhaafsadeen, xilli ay ay aheyd maalin ciid oo ay is-ceyrsanayeen”.


“Waqtigu waa uu socdaaye, kolba inta yare e aad heysatid ka faa’iideyso oona camalkaaga qabso”..


Sihaam iyo Yaasir, waxa ay isku xafad ahaadaanba, oo ay isla ciyaaraanba, Muddo Labo Sano kadib, waxaa Sihaam loo wareejiyey Guriga ayeeyadeeda oo ku yaala gobol kale, halkaasina waxaa ku go’ay isla ciyaaristii Sihaam iyo Yaasir..


Maalintii Sihaam la wadaayey, Yaasir waa uu ooyey, waayo waxa ay aheyd gabadh uu aad u jeclaa uuna la ciyaari jiray. Halka Sihaam iyaduna ay ka xumaatay arrinkaasi oo ah in ay ka dheeraatay wiil ay jecleyd oo ay isla ciyaari jireen…


“Waqtigu dad waa uu kala geeyaa, dadna waa uu isku keenaa, Haddaba waa in aad dulqaad yeelataa haddii aad kala dheeraateen qof aad is-jecleydeen, laga yaabee in uu kuu soo laabto”…


Sihaam waxa u bilaabatay nolosha gobolka ay ku nooshahay ayeeyadeeda ee dhashay iyada Hooyadeeda, waxaana la geeyey iskuul, sidoo kale dugsi qur’aanka kariimka ayaa la geeyey, waqtiyada fasaxana waxa ay caawineysaa Ayeeyadeeda oo leh Goob ganacsi oo isla guriga uu ku dhex yaallo…


Yaasir, isaguna noloshiisa ayuu sii watay, maadaama uu waayey gabadhii uu la ciyaari jiray lana sheekeysan jiray, iskuulkiisa iyo waxabarashadiisuna waa uu sii wataa…


>> Toddobaad kadib


Sihaam oo jiifta, ayaa ku riyootay  Yaasir oo dhahaaya: “Sihaamey maxaad ii cidleysay oo igaga tegtay?”. Intaasi kolka ay ku riyootay ayey hurdadii kasoo kacday, dabadeed isku tidhi: “Wallaahi inankaasi waan kasoo tegey, balse dantaa igu qasabtay inaa ka dheeraado oo waalidkeyga ayaa igu soo wareejiyey guriga ayeeyadeyda, waayo ayeeyadeyda ayaa ka codsatay waalidkeyga, sidaasi ugu imaaday, balse weligeyga ma hilmaami doono ama ma ilaabi doono inankaasi Yaasir la dhaho, wayo wuxuu ahaa inan aan saaxiibo aheyn, oona is-jecleyn”..


>> Saddex sano kadib


Yaasir waxa uu noqday ardayda loo wareejiyey subaxdii ee iskuulka, maalin lagu qoray wax soo jeedinta xilliga daabuurka, ayaa uu soo jeediyey qisada qabsatay, waxa uu ku bilaabay Siadaan: “Ardayda qiimo iyo qaayaha mudanoo, sidoo kale macallimiinteyda iyo maamulaheyga qiimaha lahaayeenoow, waa idin salaamay, alaan ka bacdii qisadaani waa mid dhacday oo xaqiiq ah, Wiil iyo Gabadh ayey ahaayeen, yaraantooda ayey isku xafad kusoo koreen, waa ay isla ciyaari jireen, rabitaan iyo is-marxabeen ayaa dhexmartay, muddo markii ay sidaasi isla ahaayeen, ayaa gabadhii loo wareejiyey magaalo kale, halkaasi oo ay ayeeyadeeda deggan tahay, wiilkii iyo gabadhiina halkaasi ayey ku kala hareen, waayo iyaga oo yaryar ayeyba is-waayeen, wiilkii iyo gabadhiina jeceyl iyo isla ciyaaris waa ay ka dhexeysay, balse midba midka kale keli ayuu noqday, meel ay ku wada xiriiraana malahan, qisadi yareed ee aan idin soo jeedinaayey halkaasi ayey ku egtahay dhageystayaal”…


Yaasir waa loo sacbiyey, maadaama uu soo jeediyey qiso gaabadh oo xanuun badneyd, sidoo kale maamulaha oo hadlay kolka uu dhammaaday soo jeedinta daabuurk ayuu yidhi: “Inanka Yaasir la dhaho, runti saakay waxa uu muujiyey in uu yahay wiil ku fiican soo jeedinta, dhawaan ayuu galableyda ka imid, isla maantay oo la bilaabay daabuurka ee fasalkooda ugu horeeyeen, wuxuu soo bandhigay saameyn buuxda oo hadda la wada bartay, maadaama uu soo jeediyey sheeko gaaban oo xanuun badan”…


Yaasir, sidaasi ayaaba loogu bartay iskuulka qeybta subaxleyda oo toddobaadkaani usoo wareegay, waxaana laga dhigay Hormuudka fasalkiisa….


𝐋𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐠𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐛𝐞𝐞𝐧 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐞 

𝐈𝐧𝐬𝐡𝐚𝐚𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡


W/Q: ASAD SIMBA LOVED


#Q4: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘”


𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐇𝐨𝐫𝐞 waxa ay inoo joogtay: “Yaasir oo iskuulkiisa laga dhex dareemay saameyntiisa, xilli uu soo jeediyey Qiso Jaceyl, sidoo kalena laga dhigay hogaamiyaha Fasalkiisa”.


“”Waqtiga waa midka ugu qaalisan adduunka, inta aad heysatid ka faa’iideyso”..


Yaasir, waxa uu ahaadaba Hogaamiyaha Fasalka, tartamo badan oo uu ka qeybgalay fasalkiisana uu u ahaa Horjoogaha u keena Guusha tartamada, Muddo Labo Sano kadib, isaga iyo reerkiisuba waxa ay u dhoofeen ama u guureen waddanka Kenya, oo halkaasi ayaa aabbihiisa shaqo ka helay, oo ay u guureen Sidaasi ayuu soomaaliya uga tegey..


>> Dhanka kale


Sihaam oo waxbarashadeeda wadata, marna ka shaqeysa goobta ganacsi ee ayeeyadeeda, iyada oo joogta Goobta shaqo ee ayeeyadeeda, ayaa xusuus gashay oo waxaa kuasoo dhacday maalmihii quruxda badnaay ee ay la qaadan Jirtay Saaxiibkeeda Yaasir, iyada oo isku tidhi: “Jaceylkii Yaraanta Igu Galay, weli waa I hayaayoo, tolow miyuu weli I jecel yahay, mise ima jecla oo waa uu I hilmaamay”…


Afar maalimood kadib, Sihaam oo la hadleysay Hooyadeeda, xilli ay ayeeyadeeda soo wacday, ayey weydiisay Yaasir iyo reerkooda, wana loo sheegay in ay dalka ka guureen oo ay u guureen waddanka Kenya.. Dabadeed kolka ay macsalaameysay hooyadeeda, ayey isla yar hadashay oo isku tidhi: “Taasi waxa ay la mid tahay in uusan I jecleyn, balse waan arki doonaa”…


“”Waxbarashada iyo Xidhiidhka jaceyl ee qof la sameysid, meel isma galaane, bal horta waxbarashada heer ka gaar, haddii aad heer ka gaari weydid oo aad jaceyl la wadaagtid, ogow waxbarashadaasi heer fiican kama gaareysid oo dhex uun ayaad uga tegeysaa”..


>> Maalin Jimco ah


Sihaam ayeeyadeeda waxaa u imaaaday wiil ay ayeeyo kore u tahay, micnaha inan uu dhalay wiil ayeey labaad u tahay waaye, marka uu imaaday, waxa uu arkay Sihaam, waana inan afmaal ah oo kaftan badan, kolkaasi ayuu ku dhahay ayeeyadiisa: “Ayeeyo inan xuura-ceyn ah oo iftiimeyso ayaaba guriga kuu joogtee, waa tumaa?”.


Ayeeyada: “Wariya gabadha ishaadu yeysan qabanin, waa inantii eeddadaada Faadumo ee uu qabo Ducaalle”.


Wiilka: “Haa oo waaba ii fudud tahay, eedadeyda inanteeda waaye, anigaa qaadanayee”.


Sihaam kolka ay maqashay hadalkaasi ayey ku tidhi Ayeeyada: “Ayeeyo muxuu sheegayaa inankaa fooda dheer ee aad u maleysid Diiq baahan”.


Wiilka: “Haa waanba ahay Diiq baahanee, ma I baahi tiri kartaa?”.


Sihaam oo u dhawaa bariiska la iibiyo, ayaa gacanta kusoo qaatay, kadibna ku tidhi: “Waa kanaa ee hook u baahi bax diiq yahow”.


Wiilka inta uu qoslay ku dhahay: “Maxaa waaye waxaad sheegeysid, baahidaan sheegayotaasi ma’ahan”.


Ayeeyada: “Sihaam bal horta fadhiiso, mideeda kale wariyaa Guuleed dhibka ka dhaaf gabadha, oo waxa ay ii tahay lama taabtaan, waayo waa inanta ay dhashay gabadha aan gabdhaha ugu jeclahay, sababta ay igu joogtana waa in ay I caawiso, haddaba wiilow gabdhaha aad dhibi jirtay ma’ahn midaan”. 


Guuleed: “Ayeey aabn usoo wareegto gurigaan, waayo waxaaba joogta xuural-ceyn oo gacnteeda cunto igu geyneyso subax walba”.


Ayeeyada: “Hadal badan lama rabee, gabadhaani hay haata ayey kaa tahay, mana arkeysid, jawiga inoo deji”.


Guuleed: “Jawiga wuxuu degi doonaa kolka aan helo Sihaam ee aan ku nasto”.


Sihaam goobta waa ay joogtaa, balse ayeeyadeeda ayaa u hadleysa, inta ay u adkeysan weyday hadalada Guuleed ayey ka tegtay goobta oo qolkeeda aaday…


Guuleed: “Hadda waa ay baxday, kaftan naga jooji, ee ayeeyo aan usoo wareegto halkaani, waayu=yo waxaa joogto gabadh aad u qurux badan, aniguna waan ka helayee”.


Ayeeyada: “Waad usoo wareegi kartaa, balse gabadhaani ilama ahan in aad waxaad kala hadli kartid, waayo mar aan isla soo qaadnay ayey igu tidhi, aniga muhiimadeydu waa inaa noqdaa gabadh aqoon leh oo shaqeysan karta, markaasi ayaan guursanayaa ama aan sameynayaa xidhiidh, haddaba waa taasi waa sidaad ula hadli kartid”.

Comments

Popular posts from this blog

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

A boy from the country of Egypt had an appointment with his girlfriend/ wiil ree masar ahay labalay saxiibadii

 A boy from the country of Egypt had an appointment with his girlfriend and then she told him that she is sick and can't leave the house. He was so angry that he started punching and kicking men." Is this man is wrong or  not Wiil u dhashay dalka masar ayaa saaxiibtiisa la balamay kadibna waxay ku tiri xbbi wan xanuunsanahay guriga kama bixi karo wakhti kale inooga dhig, isla markii ba intuu magaalada soo aaday buu arkay iyada oo Nin kale la socta oo gaariga usaaran tahay’ Wuu xanaaqay sidaas aad u jeedaan ayuu sameeyay feedh iyo laad buu kala daalay”   Fikirkaaga maxay kulatahay ninkan ma saxsan yahay mise khaldan yhy

Qaypta 1aad NABAR aan dawoobin QISO JACAYL/A Wound That Doesn't Heal A LOVE STORY part 1

  Qiso jaceyl 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖺𝗁𝖾𝗒𝖽 𝗀𝗈𝗈𝗋 𝗆𝖺𝗊𝗋𝗂𝖻 𝖺𝗁 𝗈𝗈 𝖺𝗒 𝗂𝗌𝗄𝗎 𝖽𝗂𝗒𝖺𝖺𝗋𝗂𝗇𝖺𝗒𝗌𝖺𝗒 𝗂𝗇 𝖺𝗒 𝖺𝖺𝖽𝖽𝗈 𝗀𝗈𝗅𝖺𝗁𝖺 𝗂𝗇𝗍𝖾𝗋𝗇𝖾𝗍𝗄𝖺 𝗈𝗈 𝖺𝗒 𝖻𝖾𝗋𝗒𝖺𝗁𝖺𝖺𝗌 𝗌𝗂 𝗐𝖾𝗒𝗇 𝗎𝗀𝗎 𝗐𝖺𝖺𝗅𝗇𝖺𝗒𝖽. 𝖶𝖺𝗑𝖺𝗒 𝗄𝗁𝖺𝖽𝗄𝖺 𝘔𝘚𝘕-𝗄𝖺 𝖪𝗎𝗅𝖺 𝖻𝖺𝗅𝗅𝖺𝗇𝗌𝖺𝗇𝖺𝗒𝖽 𝗐𝗂𝗂𝗅 𝖺𝗒 𝗌𝗁𝖾𝖾𝗄𝗈 𝗐𝖺𝖽𝖺𝖺𝗀 𝖺𝗁𝖺𝖺𝗒𝖾𝖾𝗇 𝗈𝗈 𝖽𝖾𝗀𝗀𝖺𝗇𝖺𝖺 𝗆𝖺𝗀𝖺𝖺𝗅𝖺𝖽𝖺 𝗆𝗂𝗇𝗇𝖾𝖺𝗉𝗈𝗅𝗂𝗌 𝖾𝖾 𝖼𝖺𝗋𝗋𝗂𝗀𝖺 𝗆𝖺𝗋𝖾𝗒𝗄𝖺𝗇𝗄𝖺. 𝖬𝖺𝗋𝗄𝗂𝗂 𝖺𝗒 𝗍𝗂𝗆𝗂𝖽 𝗀𝗈𝗅𝗂𝗁𝗂𝗂 𝗂𝗇𝗍𝖾𝗋𝗇𝖾𝗍𝗄𝖺 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖽𝗎𝗋𝖻𝖺 𝗀𝖺𝗌𝗁𝖺𝗒, 𝗐𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖽𝗎𝗋𝖻𝖺 𝗀𝖺𝗌𝗁𝖺𝗒 𝗄𝗁𝖺𝖽𝗄𝗂𝗂 𝘔𝘚𝘕-𝗄𝖺 𝗈𝗈 𝗎𝗎 𝗄𝗎 𝗌𝗂𝗂 𝗌𝗎𝗀𝖺𝗒𝖾𝗒 𝗌𝖺𝖺𝗑𝗂𝗂𝖻𝗄𝖾𝖾𝖽. 𝖬𝖺𝗋𝗄𝖺𝗒 𝖼𝖺𝖻𝖻𝖺𝖺𝗋 𝖿𝖺𝖽𝗁𝗂𝖽𝖺𝗒 𝖺𝗒𝖺𝗒 𝗌𝗂 𝗄𝖾𝖽𝗂𝗌 𝖺𝗁 𝗎 𝖾𝖾𝗀𝗍𝖺𝗒 𝗌𝖺𝖺𝖼𝖺𝖽𝖽𝗂𝗂 𝗎𝗀𝗎 𝗑𝗂𝗋𝗇𝖾𝗒𝖽 𝗀𝖺𝖼𝖺𝗇𝗍𝖺 𝗆𝗂𝖽𝗂𝗀, 𝗆𝗂𝗌𝖾 𝗐𝖺𝖺𝖻𝖺 10:00 𝖿𝗂𝗂𝖽𝗇𝗂𝗆𝗈.  𝖶𝖺𝗑𝖺 𝖺𝗒 𝖿𝖺𝖽𝗁𝗂𝖿𝖺𝗒 𝗆𝗎𝖽𝖽𝗈 𝗌𝖺𝖽𝖽𝖾𝗑 𝗌𝖺𝖺𝖼 𝖺𝗁, 𝗐𝖺𝗑𝖺𝗒𝗌𝖾 𝗂𝗒𝖺𝖽𝖺