Nin reer baadiye ah baa waxay ka dhumay ari siduu u raadinaayay wuu waayay kadib saaxiibkii buu soo watay si uu ula raadiyo siday u raadinaayeen wey waayeen ninkii ariga lahaa baa wuxuu dhahay ilaahow arigaan hadaa heli lahaa waa sadaqeen lahaa maa ii soo celisid saaxiibkii baa wuxuu ku yiri hadaba maa ka sabartid oo qofkii qaato maa sadaqo ahaan u niyeesatid kadib ninkii reer baadiyaha ahaay baa wuxuu qabtay dhagta saaxiibkiisa kadibna ku yiri shib dheh ilaahaa ku sirsirooyaa
#Q1: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘” #Hodhac Gaaban Sheekada sida aad magaceeduba ka garaneysiin, waxa ay ka hadleysaa Jacayl yaraan kusoo bilowday ee usii gudbay Weynaan, waana Jaceyl raagay oo qaatay sannado, Haddaba Qisadaani waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalo ka mid ah magaalooyiinka ay degto Soomaalida, sheekadaani magacyada aad ka dhex arki doontiin waa ay badan yihiin, Balse labada qof ee ay quseyso sheekadu waa Sihaam iyo Yaasir, Qeybaha Sheekaduna waa mid badan, inshaa alllaah waxaan rajeynayaa in ay nagu dhammaato si nabad iyo farxad leh…….. ------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------ Waqtigu waa Subax, maalintuna waa Isniin, Jawiguna waa Jawi roobaad, Magaalada oo idil waxaa ka da’aya roob lagu diirsaday. Sihaam oo la ciyaareysa walaalaheeda oo roob ku qubeysanayaan kuna ciyaarayaan, ayaa u imaadeen Yaasir iyo asxaab kale oo xaafada wada degg...
Comments
Post a Comment