Skip to main content

Gabadh ree hargaysa ah

 Gabadh reer #Hargaysa oo aan rabay inaan guursado ayaan gurigooda booqday si aan reerkoda u soo kala barto. 


Anigoo fadhiya qolka fadhiga oo sugaya gabadha hooyadeed iyo reerka intiisa kale ayaa wiil yar oo laba sano jir ah intuu so galay qolkii bahal dhuusa ku sii daayey !!!

kadibna iska baxay markasay bahashii qolkii wada qabsatay dhinacyada ayaan fiiriyey mise qolkuba daaqad malaha, waa kaligay oo ilama socdo qof labaad oo ceebta ila qaybsan lahaaa waxaan is idhi wiilka yar soo qabo oo hayso si loo garto inuu isaga yahay mise maba joogo oo wuu sii ordayaa !!


Waxan is idhi shaadhka ma la baxdaa oo bahasha albaabka maka saarta, intaan laguu soo galin, hadana waxan sawirtay islaantii sodohday oo iiso gashay anigoo sidii nin waalan shaadhka warejinaya iyo calooshaydii waynayd oo qaawan!!


Alla ceeb iyo naxdin waynaa, talaaa igu cadaatay 

waxaan is idhi xabad sigaara ma shidataa si qiiqu u baa'biiyo urta bahasha, hadana waxaan xasuustay habeen ay gabadhu igu tidhi hooyaday jaadka iyo sigaarka way ka xanaaqdaa ee yaan la ogaan inaad isticmaasho !!


Waxan raadiyay warqad aan gubo laakiin waan waayay. Markaan waxkale waayay ayaan gubay daahyadii daah ka mida wa xooga marku qiiqay ayaan bakhtiyey.


Anigoo daalay oo dhididku iga dareerayo laakiin qolku wa xooga sidii hore yar dhaamo ayay islaantii ii soo gashay maraksay igu tidhi hooyo ma meel dheer ayaad kaso lugaysay waa maxay dhididku ? 

Saw tii la lahaa laba gaadhi ayuu leeyahay?

Maya hooyo aqalka dhexdiisa ayaan jimicsi ku yar sameeyay !!!

Islaanti oo ila yaaban ayaan hadana waydiyey eddo caruurtu caano nooce ah ayaad siisan ?


Hooyo caano NURA ayay cabaan laakiin maxaad ku keentay su'ashaas?


Markaasan ku idhi haa waan gartay in wiilku Caano NURA kaso dhargay, Mansha allah waa caano booratiin badan !!


Islaantii oo la yaaban hadaladayda ayaaa iyadoo sii baxaysa tidhi bal aan kugu yeedho naagti malaha iyadaa ku afgaranysee !!!


Daqiiqad kadibna waxan maqlay iyadoo islaanti gabadheedii / inanteedii ku leh "Naa malaha xashiishad ayuu qolka ku dhex cabay qiiq si kale ah ayaaa qolka ka uraaaye 

Hadalkiisuna sax maahe oo waan fahmi wayay wuxu ka sheekaynaayo ninku "


Laba maalmood kadibna waxa la ogaday inaan anigu daahyada gubay 

Sidaas ayaan ku wayay gabadhi aan rabay inaan guursado


sababtana waxa lahaa ilmahaas yar ee caano Nura -daa ka soo dhargay 😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅😅

Comments

Popular posts from this blog

𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 ” / the story of my little love

  #Q1: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘” #Hodhac Gaaban Sheekada sida aad magaceeduba ka garaneysiin, waxa ay ka hadleysaa Jacayl yaraan kusoo bilowday ee usii gudbay Weynaan, waana Jaceyl raagay oo qaatay sannado, Haddaba Qisadaani waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalo ka mid ah magaalooyiinka ay degto Soomaalida, sheekadaani magacyada aad ka dhex arki doontiin waa ay badan yihiin, Balse labada qof ee ay quseyso sheekadu waa Sihaam iyo Yaasir, Qeybaha Sheekaduna waa mid badan, inshaa alllaah waxaan rajeynayaa in ay nagu dhammaato si nabad iyo farxad leh…….. ------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------ Waqtigu waa Subax, maalintuna waa Isniin, Jawiguna waa Jawi roobaad, Magaalada oo idil waxaa ka da’aya roob lagu diirsaday. Sihaam oo la ciyaareysa walaalaheeda oo roob ku qubeysanayaan kuna ciyaarayaan, ayaa u imaadeen Yaasir iyo asxaab kale oo xaafada wada degg...

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

Sheeko gaaban 🤣

 Sheeko Gaaban  Oday ilig keliya ku hadhay oo maqaaxi ka quraacanaya ayaa waxa soo ag fadhiistay laba wiil midbaa kii kale ku yidhi aar bal telefanka ii dhib qofbaan wacdee markaasu yidhi kii kale iligbaa ku hadhay oo sheegayay inu ka bilaa dab yahay odaygii o ismooday ayaa ku dharbaaxay wiil kii saxanku ku quraacanayay asago leh maxaa kaa galay iligayga 😂😂😂 @ bishar arab