Skip to main content

Noqo aqoon yahan

 NOQO AQOONYAHAN


Qormadan waxaan ku faalayn doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi.


Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa aqoonta marka aanu ku koobnaan casharkii barrehiisu u dhigay ee uu yahay mid Raadsada wax walba oo garaadkiisa kobcinaya ha akhriyo ama ha dhegaystaba’e.

Waxaan odhan karaa ” qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay wuu ka aqoon badanyahay ,,

Haddiiba akhriste aanad ku fiicnayn wax akhriska haw malayn carqaladan mid kugu kooban kaligaa hasayeeshee waxaad ka warqabtaa qofna inaanu bilaabin wax akhrinta isaga oo naftiisu jeceshahay oo aanu wax daal iyo dhiba kala soo kulmin . 

Qalbigana ku hayso inaanay marnaba taasi suuragal ahayn waayo nafteenu waxay jeceshahay iska fadhiga iyo raaxada qofkaasina isaga ayaa ku qasbay oo baray naftiisa inuu 10 saac iyo wax ka badanba wax akhriyi karo.


Ma tahay qof dareema caajis iyo daal markuu buugasoo qaado isagoon muddo nafle wax akhriyin ?

Imika Samee shantan qodob oo noqo aqoonyahan ku fiican wax akhriska !!!!


1: Niyad: nabigeena (NNKH ) wuxu yidhi [camaladdu waa niyadda ] . Marwalba laabtaada uga buuxi jamasho iyo doonis waxkaste oo aad rabto inaad qabato. 

Haddiiba shaygii aanad niyad u hayn ha filan inuu kuu hirgalo .

Haka ahaado akhrisku niyaddaada mid aad aad u jeceshahay .


2: ugu horaysii xiisadaad jeceshay: Hadday tahay cashar diyaarin iyo aqoon Raadinba marka aad go’aan qaadato ha cadibin naftaada ee si talaabo talaabo ah u wad adoo ka bilaabaya maadadaad xiisayso.

Tusaale : maalinta koobaad isku day inaad 45 daqiiqo akhrido kadib maalinba 15 daqiiqo kusii dar ama in ka badanba


3: xadid wakhtiga: Haddii waxa aad akhriyayso aad u qaybiso wakhtigaad qorshaysay inaad wax ku akhrido waxay kugu abuuraysaa xamaasad iyo xawaare inaad ku dheerayso ah.

Tusaale aynu soo qaadano wax la akhriyo ka ugu sharaf badan waxaad doonaysaa inaad qaybto saddex bog oo quraana sacaad gudaheed 60/3=20 markaad u kala qaybiso bogiiba 20 daqiiqo ayaa ku hagaagayaa, sidaa darteed waxaad isku dayaysaa inaad ka gaadhsiiso taas oo kuu horseedaysa firfircooni iyo dhakhso


4: ka tirtir naftaada wahsiga: Waxa fiican si aanu qiiro u noqon go’aankii aad qaadatay oo kolka aad laba cisho waddid anaad uga hadhin waxa haboon inaad la dagaalanto caajiska si aanu kuugu soo labakaclayn xanuunkii akhris la ‘aantuHubka ugu culus ee kaslaanimada lagaga hortagi karaana waa adoo illaashada shanta salaadood jamacna ku tukada Iwm.


5: Ahaw qof waxkasoo noqdaan: marka aad akhrido mawduucyo badan oo kala geddisan ma haboona inaad noqoto siddii goof biyaha liqaaya oo aan galaan loogu tegayn se waa inaad tahay qof aragtidda uu ogaado mid u dhiganta keeni kara dadkalena u gudbin kara.Wa bilaahi tawfiiq


Fadlan, lawadaag asxaabtaada kale si ay kuula akhristaan qormadan. Mahdsanidiin.

@bishar

Comments

Popular posts from this blog

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

Sheeko gaaban 🤣

 Sheeko Gaaban  Oday ilig keliya ku hadhay oo maqaaxi ka quraacanaya ayaa waxa soo ag fadhiistay laba wiil midbaa kii kale ku yidhi aar bal telefanka ii dhib qofbaan wacdee markaasu yidhi kii kale iligbaa ku hadhay oo sheegayay inu ka bilaa dab yahay odaygii o ismooday ayaa ku dharbaaxay wiil kii saxanku ku quraacanayay asago leh maxaa kaa galay iligayga 😂😂😂 @ bishar arab

Nantucket photographer captures nearly frozen waves on camera/ Sawir qaade Nantucket ayaa kamarada ku duubay mowjado baraf ku dhow

 Sawir qaade Jonathan Nimerfroh ayaa la kulmay badweynta Slurpee ka buuxo. Qabow aad u daran awgeed Heerkulka sababay inuu baraf galo,  biyaha Badweynta Atlaantigga ayaa u ekaa. Sannad kasta, harooyinka way barafoobaan, laakiin badda qabowgu waa wax aan caadi ahayn.  Sawir qaadaha/surfer/xamaasada badweynta ayaa dejiyay si ay u qabtaan quruxda dhacdadan hal mar-nolosha ah. Mowjadihii barafoobay ayaa wareegay oo ku soo dhacay xeebta,  kuwaas oo u muuqda mid ka samaysan wax ka dhumuc weyn. biyaha.” Dabayshu waxay ka soo dhacaysay koonfur-galbeed, taasoo caadi ahaan soo saarta xaalado adag ama googo'an,  kuma fiicna in lagu dul socdo, "Jonathan ayaa sharaxay. Dabayshu wax yar ayay ku yeelatay qaabka sababtoo ah oogada badda wuxuu ahaa baraf qabow. Waxay ahaayeen mawjado aad u fiican.”  Dhacdadan la yaabka leh waxaa lagu muujiyey sawirada hoose. Waxay ka samaysan yihiin walxo aan caadi ahayn, oo dhumuc weyn leh. Taxanihiisa sawirka "Slurpee Waves" waa wax cajii...