Skip to main content

Educated person and nun Educated person

  Nin aqoon yahan ah iyo nin reer baadiye ah oo arin yaab badan ay dhex martay. Hada ka hor ayaa laba nin oo mid reer Baadiye ahaa midka kalena uu ahaa nin aqoon yahan ah oo wax bartay ayaa waxa ay isku qabsadeen arin la yaab leh taasoo aheyd in ay su’aalo is weydaarsadaan oo ay sharad ku dhigtaan qofkii ka jawaabi waayana uu lacag bixiyo Reer baadiyihii ayaa yiri: Waxaad i weydiisaa su’aal hadii aan ka jawaabi waayana waxaan bixin doonaa oo aan ku siin doonaa lacag 5 dollar u dhiganta.


Aqoon yahankii oo la yaaban nin reer baadiye ah oo sidan dhan u booteynaya ayaa yiri: Waa yahay, adigana su’aal i weydii, hadii aan ka jawaabi waayana


waxaan ku siin doonaa lacag u dhiganta 500 oo dollar.


Reer Baadiyihii ayaa yaabay oo qosol la dhaca


y, waxa uuna go’aansaday in uu xeelad adeegsado si uu lacagta badan ee aqoonyahanku balan qaaday uu uga helo ama uga guuleysto.


waxaana su’aashii ku hor maray sida balantu aheyd ninkii aqoon yahanka ahaa waxa una yiri: Waxaad sheegtaa saaxiib, qoraxda iyo dhulka yaa balaaran,?


Reer baadiyihii ayaan geesaha fiir fiiriyay waxa uuna garan waayay wixi uu ku jawaabi lahaa balse taas bedelkaada waxa uu bixiyay 5 tii dollar isagoo ula jeeday ma garanayo jawaabta.


Reer baadiyihii ayaa isaguna markiisa su’aal la kala baxay, waxa uuna yiri:


Waxaad sheegtaa sxb, wax hadii cirka loo tuuro 2 lug leh, hadii ay dhulka kuso dhacaana 4 lug leh?


Aqoon yahankii ayuu xaalku ku cuslaaday, waxa uuna garan waayay jawaabtii uu bixin lahaa


danta ayaa ku kaliftay in uu 500 oo dollar bixiyo, maadaama ay balantu sidaas aheyd.


Balse aqoon yahankii oo yaaban ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa su’aal ku celiyay isagoo weydiiyay: War waxaan aad i weydiisay ee marna 2 lug leh marna 4 lug leh waa maxay?


Reer baadiyihii oo xariif ahaa ayaa waxa uu soo bixiyay 5 dollar waxa uuna u taagay ninkii.


isagoo ula jeeday in isagu xitaa uusan garaneyn su’aasha jawaabteeda, balse lacagta oo kaliya ay u dan aheyd…


( Hadii aad ninkaas aqoon yahanka ah ahaan laheyd, maxaad sameyn laheyd?




Nagu Soo Biir 


🩸@ bishar arab

Comments

Popular posts from this blog

𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 ” / the story of my little love

  #Q1: 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐀𝐃𝐀 “𝐉𝐀𝐂𝐀𝐘𝐋 𝐘𝐀𝐑𝐀𝐀𝐍 𝐈𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘” #Hodhac Gaaban Sheekada sida aad magaceeduba ka garaneysiin, waxa ay ka hadleysaa Jacayl yaraan kusoo bilowday ee usii gudbay Weynaan, waana Jaceyl raagay oo qaatay sannado, Haddaba Qisadaani waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalo ka mid ah magaalooyiinka ay degto Soomaalida, sheekadaani magacyada aad ka dhex arki doontiin waa ay badan yihiin, Balse labada qof ee ay quseyso sheekadu waa Sihaam iyo Yaasir, Qeybaha Sheekaduna waa mid badan, inshaa alllaah waxaan rajeynayaa in ay nagu dhammaato si nabad iyo farxad leh…….. ------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------ Waqtigu waa Subax, maalintuna waa Isniin, Jawiguna waa Jawi roobaad, Magaalada oo idil waxaa ka da’aya roob lagu diirsaday. Sihaam oo la ciyaareysa walaalaheeda oo roob ku qubeysanayaan kuna ciyaarayaan, ayaa u imaadeen Yaasir iyo asxaab kale oo xaafada wada degg...

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

Sheeko gaaban 🤣

 Sheeko Gaaban  Oday ilig keliya ku hadhay oo maqaaxi ka quraacanaya ayaa waxa soo ag fadhiistay laba wiil midbaa kii kale ku yidhi aar bal telefanka ii dhib qofbaan wacdee markaasu yidhi kii kale iligbaa ku hadhay oo sheegayay inu ka bilaa dab yahay odaygii o ismooday ayaa ku dharbaaxay wiil kii saxanku ku quraacanayay asago leh maxaa kaa galay iligayga 😂😂😂 @ bishar arab