Skip to main content

Kobci garadkaaga caafimaad akhriso

 -𝐆𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:


      ➡️Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba

     ➡️Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.

                  ➡️Aalkolo cabbid

                  ➡️ Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh

                  ➡️ Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada


Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:


       💠Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)

      💠Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)


 


 


         🔲Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)

         🔲 Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)

         🔲Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)

         🔲Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)

         🔲 Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).

          🔲Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)

          🔲Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig

yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)


Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.

Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.


W/Q bishar arab


Comments

Popular posts from this blog

The youngest theaf ever//Tuugii abid ugu Da,da yaraa

 Tuugii abid ugu Da,da yaraa Aduunka ayaa Loo Aqoonsaday wiilkan yar oo Buskut ka Xaday Dukaan Kuyaal dalka Masar CC camera ayaa Muuqaal ka duubtay kaas oo si weyn loo hadal Hayo.

Sheeko gaaban 🤣

 Sheeko Gaaban  Oday ilig keliya ku hadhay oo maqaaxi ka quraacanaya ayaa waxa soo ag fadhiistay laba wiil midbaa kii kale ku yidhi aar bal telefanka ii dhib qofbaan wacdee markaasu yidhi kii kale iligbaa ku hadhay oo sheegayay inu ka bilaa dab yahay odaygii o ismooday ayaa ku dharbaaxay wiil kii saxanku ku quraacanayay asago leh maxaa kaa galay iligayga 😂😂😂 @ bishar arab

Nantucket photographer captures nearly frozen waves on camera/ Sawir qaade Nantucket ayaa kamarada ku duubay mowjado baraf ku dhow

 Sawir qaade Jonathan Nimerfroh ayaa la kulmay badweynta Slurpee ka buuxo. Qabow aad u daran awgeed Heerkulka sababay inuu baraf galo,  biyaha Badweynta Atlaantigga ayaa u ekaa. Sannad kasta, harooyinka way barafoobaan, laakiin badda qabowgu waa wax aan caadi ahayn.  Sawir qaadaha/surfer/xamaasada badweynta ayaa dejiyay si ay u qabtaan quruxda dhacdadan hal mar-nolosha ah. Mowjadihii barafoobay ayaa wareegay oo ku soo dhacay xeebta,  kuwaas oo u muuqda mid ka samaysan wax ka dhumuc weyn. biyaha.” Dabayshu waxay ka soo dhacaysay koonfur-galbeed, taasoo caadi ahaan soo saarta xaalado adag ama googo'an,  kuma fiicna in lagu dul socdo, "Jonathan ayaa sharaxay. Dabayshu wax yar ayay ku yeelatay qaabka sababtoo ah oogada badda wuxuu ahaa baraf qabow. Waxay ahaayeen mawjado aad u fiican.”  Dhacdadan la yaabka leh waxaa lagu muujiyey sawirada hoose. Waxay ka samaysan yihiin walxo aan caadi ahayn, oo dhumuc weyn leh. Taxanihiisa sawirka "Slurpee Waves" waa wax cajii...