Oday Soomaali ah ayaa Maqlay wiilkiisa yar oo musqusha (suulliga) ku jira oo aqrinaya "Dalacal Badru Calaynaa". Wiilkii musqusha markii uu kasoo baxay ayuu garaacay, wiilkii oo oynaya ayaa Hooyadiisa maqashay, odaygii ayay ku tiri war wiilka maxaad u dishay?
Waxa uu dhahay "Muxuu Quraanka ugu dhex aqrinayaa Suulliga!",
Islaantii waxa ay dhahday Quraan maahan ee waa Nashiido, kadib odaygii wuu iska ooyay, islaantiisii ayaa weydiisay sababta uu hadana u oynaayo.
Wuxuu dhahay "3 Sano iyo bar ayaan ku tukanaayay nashiidadaan oo wiilkaan ayaa i baray sidaasna ii qalday". π
Comments
Post a Comment