QISO MURUGO BADAN: QEYB 1 AAD Waxaan raadinayey oo aan baafinayey mudo 14 sano ah baafintii saaxiibkey oo aan kala lunay 2009, baafinteydi waxay noqotay mid aanan weligeed lagu guulaysan doonin😢 Saxiibkeey Shiishka Shoolaay waxaan isku baranay garoon kubada cagta oo kuyaalay Nairobi Islii, xaafada Section one 2007. Galab aan ciyaar Final ah wada dheelnay oo aan 3:4 uga badinay koobkiina uga qaadnay. Ciyaarta daqiiqadihi ugu danbeyey ayaa aniga iyo isaga wax nakala gaareen Isagu markaas wuxuu dheelayey difaac midig Duwe anigana dhexda 10 ayaa ciyaarayey.Wuxuu ahaa nin xoogan oo timo dhaadheer tintuna gadaal ugu xirantahay laastiik markii danbena wuu sii daayey sidii Paolo Maldini ayeey timihiisu garbihiisa shimaax -shimaaxinayeen, xusuusteyda, wuxuu ahaa nin aan fowdo badnayn oo beezaani ah. Balse galabtaas labadeenaba xamaasad baa naga tan badisay oo weliba anigaa gacan qaadka ku horeeyey. Galabtii ciyaarta markii ay dhamaatay ayuu socodka soo boobsiiyey anigoo sii socda ayuu iga
sheekooyin xikmad iyo xaraabo : halkan kalansoco sheekooyin xikmad iyo xaraabo ah oo ku xiiso galiya iyo waliba qisooyin xaqiiqo ah