Tuug ayaa wuxuu u dhacay islaan waayeel ah guri ay daganeyd wuxuu arkay ayadoo soo jeedda wuxuuna ku yiri maxaa lasoo jeedaa xilligaan?
"Way gartay inuu tuug yahay waxay ku tiri wiilkeygiyoow waxaad u muuqataa qof wanaagsan oo duruufta ay ku kaliftay, waxaan oo dahab ah ayaan haystaa ee qaado, laakiin intaadan bixin ka hor waxaan rabay riyo aan ku riyooday oo argagax leh inaad ii fasirtid hadaad taqaanid!
Tuugii wuxuu is yiri islaan doqon ah ayay u egtahay bal aan dhagaysto riyadeeda kadibna aan u fasiro."
Waxay tiri “waxaan ku riyooday anigoo wabi biyo badan dhiniciisa socda kadibna waan sim biriraxday waxaana ku dhacay wabigii waxaana iri Cabdxakiinoow iga soo gaar, Cabdxakiinoow iga soo gaar”. si cod dheer leh ayay u tiri inta danbe.
Tuugii wuxuu yiri “marka yuu ahaa C/xakiinkaas aad u qeylinaysay?”.
Isla markiiba waxaa qolka soo galay wiil ay dhashay oo Cabdixakiim la yiraahdo oo xoog badnaa wuxuuna bilaabay tuugii inuu garaaco."
Islaantii waayeelka waxay tiri “bes intaasa ku filane yuusan nagu dhiman iska daaa”.
Tuugii wuxuu dhahay “si fiican ii garaac anigaaba qaldanaa ma inaan riyo fasiro ayaan u imid mise inaan wax xado."kkkkkkπππ€£
hhhhh
ReplyDelete